Hishiis ku saabsan arrinta Galkacyo oo barri dhacaya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

01 December, 2015(GO)-Waxaa magalada Galkacyo ka socda dadaalo nabadeed oo wadaan mas'uuliyiin ka socota dowladda Federaalka Somalia, maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somalia, waxaana jira shirar kala duwan  oo ilaa xalay ka socday magaladaasi.

Maanta waxaa shirar albaadu u xiranyihiin yeeshay madaxda nabadda Galkacyo u jooga , mas'uuliyiin ka socda Midowga Yurub iyo Ethopia, waxaana kulamadaasi ku saabsanaayeen sidii maamulka Puntland loogu qancin lahaa hishiis ka fool ka fool oo ah dhexmara labada dhinac ee iskhilaafsan.

Shirarka kadib, waxaan dhinaca Galmudug gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaare Sharmake oo weheliyo Madaxweynaha Jubbaland, iyagoo la kulmay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, ku-xigeenkiisa iyo xubno wasiirro ka tirsan maamulkaasi.

Kulankaasi waxa ka soo baxay looma soo bandhigin warbaahinta, balse wararka hoose ayaa sheegay in maamulkaasi aqbalay waxyaabihii madaxdu u soo bandhigeen.

Wafdiga ayaa kulamada kadib u soo laabtay dhinaca Puntland, waxaana shir kale oo gooni ah wada galay mas'uuliyiinta Jubbaland iyo qaar ka mid ah golaha wasiirrada Puntland ee Galkacyo ku sugan.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulankaasi ka hor shir albaadu u xiranyahay la lahaa xubnihiisa wasiirrada.

Wararka Garowe Online helayso ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in barri Garoonka diyaaraha Galkacyo lagu qaban doono shir ballaaran oo goob joog ka yihiin dhinacyada Puntland iyo Galmudug, taasi oo la filayo in laga soo saaro xal kama dambays ah, isla markaan labada maamul kala qaadi doonaan ciidamada is horfadhiya.

Xaaladda magalada Galkacyo ayaa haatan dagan marka laga reebo rasaas goos goos ah oo labada dhinac is weydaarsanayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM