Hishiis laga gaaray dagaalka Galkacyo gobolka Mudug

Image

23 November, 2015(GO)-Waxgaradka ku nool magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa wada waan waan ku aadan joojinta dagaalka shalay 22 November, 2015, ka dhacay magalada ee sababay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca 50 kale.

Shir Odoyaal dhaqameed iyo ganacsato labada dhinac ka tirsan ku yeeshen bartamaha magalada Galkacyo ayaa laga soo saaray hishiis hordhac ah, kaasi oo lagu joojinayo colaadda iyo dagaalka labada dhinac.

Hishiiska, ayaa ka koobnaa saddex qodob, waxaana labada maamulka loogu baaqay inay dagaalka joojiyaan isla markaana kala qaadaan ciidamada.

  1. In xabadda la joojiyo
  2. In la kala qaado labada ciidan.
  3. Iyo in laga wada hadlo wixii dhacay ee dagaalka dhaliyey.

Odoyaasha shirka yeeshay, ayaa iska xulay guddi ka kooban labada dhinac kuwaasi oo ka shaqayn doono amniga magalada iyo joogtaynta xasiloonideeda.

Shacabka ku dhaqan magalada Galkacyo oo tan iyo shalay waday barakac iyo baqdin ayaa loogu baaqay in magaladu amni tahay isla markaana dhinacooda ka shaqeeyaan sidii nabad loogu wada daganaan lahaa.

Waxgaradka ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku waxyeelobay weerarkaasi, iyagoo inta dhaawaca ah ALLE uga barayay inuu u boogo-dhayo.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu jiray baqdin xooggan oo dadka deegaanku qabeen, kadib dagaal shalay dhacay, waxaana labada maamul midba midka kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyay mas'uuliyadda weerarkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM