Hishiiska Ballarinta Dekedda Bosaso oo la saxiixay

Image

Waxaa goordhaweyd magaalada Dubai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta lagu kala saxiixday hishiis u dhaxeeya dowladda Puntland iyo shirkadda DP World kaasoo ku salaysan ballaarin iyo casriyayn lagu sameeyo dekedda magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Hishiiskan waxaa qalinka ku duugay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo wehilyaan saraakiil katirsan dowladda iyo mas’uuliyiinta shirkadaas.

Gaas ayaa waddanka Imaaraadka u tagay inuu dhammaystiro mashruucan oo uu sheegay in laga dhaxli doono faa’iido weyn xilli todobaadkan uu ka dhoofayay magaalada Garowe.

Inkastoo aan faah-faahin rasmi ah laga hayn waxyaabaha rasmiga ah ee ku cad hishiiskan labada dhinaca, ayaa wararku waxay sheegayan in dhawan shirkaddu bilaabi doonto dhismaha dekedda.

Shirkada DP World ayaa hishiisyo kala duwan kula jirta dalka Jabuuti iyo maamulka Somaliland oo dhawaan ku wareejiyay dekedda Ber-bera taasoo ay ku samaynayso ballaarin iyo dayactir.

Somaliland ayaa shirkadaas kula hishiisay in muddo 25 sano ah maamusho dekedda Berbera.

Lama oga in sida maamulka Somaliland oo kale Puntland ku wareejin doonto dekedda Bosaso.

Qorshahan ayaa kusoo aaday xilli golayaasha dowladdu ay ansixiyeen mashruuc lagu dhisayo garoonka diyaaraha Galkacyo iyo waddo Laami ah oo isku xiri doonta Garowe iyo Eyl gobolka Nugaal.

Mashruucaas ayaa waxaa fulin doono shirkadda CCECC oo laga leeyahay dalka China taasoo dhistay garoonka diyaaradaha Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM