Hogaanka DF oo "guul u rajeeyay" Shirweynaha Wadatashiga Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Hogaanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay "rajeynayaan in uu guuleysto Shirweynaha Wadatashiga Puntland," sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Axmed Ciise Cawad ayaa hogaaminaya wafdi balaaran oo ka socda xukuumadda dhexe oo shalay lagu soo dhaweeyay magaala madaxda Garowe.

Wafdiga oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa lagu casuumay ka qeybgalka Madasha oo furmeysa 15-ka bishaan Maaj ee sanadkan 2020.

Isagoo qeybta VIP-ga kula hadlay warbaahita, wasiir Cawad ayaa sheegay in madaxda Qaranka ay bogaadin badan u hayaan shacabka, dowladda Puntland iyo shirkaan uu madaxweyne Deni iclaamiyey.

"Shirkana waxay u rajeeyeen guul," ayuu xusay, isagoo kusoo gabagabeeyay: "Waxaan ka mahadcelinaya sidda wanaagsan ee nagula soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha".

Soo dhaweynta waxaa horkacayey Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland ahna guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shirka.

Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa waxaa qorshuhu yahay in mudada uu socdo lagu gorfeeyo xaaladaha guud ee ka jira wadanka gaar ahaan maamulka, waxaana gabagabada kasoo baxaya war-murtiyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM