Hoos u dhac ku yimid shaqada hay'adaha UN ee ku sugan Puntland

Image

May 23, 2015 (GO)- Tan iyo markii qaraxa lala beegsadey shaqaalaha UNICEF ee Garowe, ayaa waxaa hoos u dhac ballaaran ku yimid howlaha hay'adaha Qaramada Midoobey ka wadaan gudaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan magaalo madaxda Puntland.

Warsidaha Garowe Online oo u kuurgaley isbadalka ku yimid dhaq-dhaqaaqa hay'adaha Qaramada Midoobey ee ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa ogaadey in dhammaan wadanka dibada looga saarey shaqaalaha hay'adahaas marka laga reebo kuwooda muhiimaka u ah socodsiinta howl-maalmeedka joogtada ah..

Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ku sugan Garowe ayaa lagu amrey ineysan ka bixi karin dhismayaashooda hadii aysan wadan gawaarida nooca loo yaqaan Bulet-proof islamarkaana aysan shirarka ku qaban karin meel ka baxsan xafiisyadooda.

Talaabadaas ayaa horseeday in in dhammaan shirarkii muhiimka ahaa ee dhexmari jirey shaqaalaha wasaaradaha Puntland iyo hay'adaha beesha caalamka ee tageera Somalia intooda badan loo weeciyey wadanka dibaddiisa.

Go'aanka ay qaateen hay'adaha amniga u qaabilsan Qaramada Midoobey iyo kuwa wadamada deeqda bixiya ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay shacabka Puntland kuwaasoo ka heli jirey shaqo abuur.

Dowladda Puntland hay'adaheeda amniga ayaan kasoo saarin warbixin rasmi ah sidii weerarkaas lala beegsadey shaqaalaha hay'ada UNCEF u dhacey iyo heerka baarista laga sameeyey mareyso taasoo aan farxad galin madaxda sare ee Qaramada Midoobey.

Dhinaca kale wraarka Garowe Online heleyso ayaa tibaaxaya in Bangiga Adduunka dib u dhigey tageeradii dhaqaale ee uu siin lahaa Puntland gaar ahaan shaqaalaha rayidka ah.

Lama oga sababta balse warar aan la xaqiijin ayaa xusaya in aan la hirgalin isbadalkii maaliyadeed ee laga sugayey Dowladda Puntland kasoo suurogal ka dhigi lahaa  in shaqalaaha rayidka laga tageero dhinaca mushaharooyinkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM