Howlgal Ciidan ajnabi ah ka qeyb-qaatey oo ka dhacay Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in howlgalka ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo AS kamid ahaa.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu xusay in Ciidan ajnabi ah iyo kuwa dowladda ay iska kaashadeen howlgalka oo lagu bartilmaameedsaday xero ay ku shirareen Al-Shabaab, oo qorsho weerar lagu dejinayay.

Saddex hogaamiye ayaa kamid ah xubnaha la dilay, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Wasaaradda. Puntland kama howlgalaan Ciidan ay leedahay dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Amniga waxaa suga, oo Al-Shabaab iyo Daacish dagaalka kula jira waa Ciidan ay leedahay Puntland, oo qeyb ka ah dagaalka argagaxisadda lagula jiro.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM