Howlgal Ciidan ajnabi ah ka qeyb-qaatey oo ka dhacay Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in howlgalka ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo AS kamid ahaa.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu xusay in Ciidan ajnabi ah iyo kuwa dowladda ay iska kaashadeen howlgalka oo lagu bartilmaameedsaday xero ay ku shirareen Al-Shabaab, oo qorsho weerar lagu dejinayay.

Saddex hogaamiye ayaa kamid ah xubnaha la dilay, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Wasaaradda. Puntland kama howlgalaan Ciidan ay leedahay dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Amniga waxaa suga, oo Al-Shabaab iyo Daacish dagaalka kula jira waa Ciidan ay leedahay Puntland, oo qeyb ka ah dagaalka argagaxisadda lagula jiro.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM