Howlgallo dad lagu soo qabtay oo Nugal ka dhacay

Image

GAROWE- Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Nugal Cabdiraxamaan Abshir Farax, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay in kadan 50 ruux kadib howlgallo ciidamada ammaanku kasameeyeen gobolka Nugal.

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Abshir oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in shakhsiyaadkaasi lasoo qaybtay lagu tuhmay falal amni darro, wuxuuna xusay inay arrintaasi la wadayo islamarkaana Puntland oo dhan si xawli ah uga socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha qas-wadayaasha ah.

Taliyuhu, wuxuu fariin adag u diray dadka taksiilayaasha ah iyo kuwa iska leh hotellada, isagoo uga digay inay kaxeeyaan amba guryahooda dajiyaan cidaysan hubin amnigooda.

Qofkii arrintaasi lagu qabto ayuu Cabdiraxmaan Abshir sheegay in sharciga la horgayn doono islamarkaana lala xisaabtami doono.

Howlgalladan, ayaa yimi kadib markii dhawan lasoo afjaray dagallo lala galay mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM