​Howlgallo ka bilowday Garowe iyo Siciid Dheere oo hadlay [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamo katirsan kuwa ammaanka dowladda Puntland ayaa saaka si toos ah magaalo madaxda Puntland ee Garowe ka bilaabay qorshe lagu sugayo ammaanka kaasoo kaduwan kuwii horay uga dhici jiray caasumadda.

Mar qura ayaa saaka la arkay ciidamo taagan dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada kuwaasoo baarayay dadka iyo dadweynaha.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Puntland General Siciid Maxamed Xirsi, oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka socda, wuxuuna sheegay inuu la xiriiro shirar ka dhacaya magaalo madaxda.

Siciid Dheere, ayaa xusay in ciidamadan ay samaynayaan howlgal joogta ah oo lagu adkaynayo ammaanka islamarkaana looga hortagayo falalka inta badana sameeyaan kooxaha kasoo horjeeda xasiloonida, wuxuuna intaasi ku daray in amniga Puntland yahay mid aad u wanaagsan.

Ciidamada amniga sugaya ayuu sheegay inay yihiin kuwo aad loo soo wacyi galin islamarkaana xirfad gooni ah u leh shaqada ay qabanayaan.

Wuxuu intaasi ku daray in caasumadda Garowe, tahay meel amnigeeda la sugo waqti kasta, balse qorshahan yimid xilli shirar waaweyn dhici doonaan kuwaasoo qayb ka ah doorashada Somalia ka dhici doonta dabayaaqada sannadka 2016.

Taliyaha ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qorshaha amniga la xiriira ee kasocda gobolka Mudug, wuxuuna ku macneeyay mid lamid ah kuwa ka dhaca dunida isagoo tallaabada baabuurta lagu kala wareejinayo ku tilmaamay mid amniga Puntland lagu adkaynayo.

Hadalkan ayaa yimid xilli maanta dadka ku dhaqan aad isu weydiinayay baaritaankan aan horay loo arag ee laga samaynayay caasumadda Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM