Idaacada Radio Garowe oo lacag ku wareejiyey Masjid ku yaal magalaada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Toddoba kun iyo shan boqol oo doollar ($7500) oo bishii Ramadan laga uruuriyey barnaamij toos uga bixi jiray Radio Garowe aya maanta lagu warejiyey guddiga horumarinya Masijka Alraxma ee Garoowe.

Barnamijkan oo uu soo jeedinayey wariye Ibraahim Wadani ayaa Lacagtii laga uruuriyey waxa maanta wareejiyey Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac wuxuuna sheegay in Idaacaddu ay sii xoojinayso barnaamiyada noocana ee waxtarka u leh ummada .

Guddiga Masaajidka Alraxma ayaa u mahad celiyey maamulka ,shaqaalaha daadihiyihii barnaamijkan iyo dhagaystayaasha Idaacadda oo lacagtan ku deeqay iyagoo ku soo dirayey Acount u gaara adeega lacag dirista Telephonada uu u furnaa.

Barnaamijkan oo dhawrkii sanno ee la soo dhaafay uu Radio Garowe uu qabanayey bilkasta oo Ramadaan ayaa Masaajida lagaga caawiyaa in la geliyo qaboojiyeyaal,Albaabo iyo roogag tayo leh.

HALkA KA DHAGEYSO AGAASIME AXMAD OO Ka HADLAYA 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM