Imaaraatka oo hub iyo gaadiid dagaal ku daabulaya Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Wararka ay heleyso shabakada Garowe Online ayaa xaqiijinaya in laga bilaabo bartamihii bishii Oktoobar illaa hadda ay magaaladda Boosaaso ka degeyaan diyaarado sida saanad hub iyo gaadiid dagaal oo si sanqadh-tirasho ah lagu dajinayo.

Hubkan ayaa waxaa toos loo geynayaa xero ciidan oo uu Imaaraatka horey u maamulayay, haatana ay gacanta ku hayaan shirkado, una badantahay in Imaaraatka uu dib ula wareegay.

Lama oga ujeedka laga leeyahay imaanshaha ciidankaan iyadoo warraku sheegayaan in gawaarida gadiid ee loo yaqaan RG-33 oo kor u dhaafaya boqol kuwa soo ay la socdaan ciidamo gaaraya 180 ay dageen xerada ciidanka PMPF ku leeyahay magaalada Boosaso.

Sidoo kale hubkan iyo saanadan ciidan ayaa kusoo aadaysa xilli uu dhammaad yahay muddo xilleedkii madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Shacabka magaalada Boosaaso oo uu warka aad u dhex qaaday ayaa isweeydiinaya waxa ay diyaardahaan dajinayaan kuwaas oo ilaa haatan sameeyey 12 duulimaad.

Dalka Imaraadka ayaa xero ciidanka uu ku tababari jirey  ku lahaa magaalada Muqdisho balse la xirey kadib markii uu xumaadey xiriirka Farmajo iyo Abu Dhabi. 

Madaxweynaha Puntland oo ku jira qorshe muddo kororsi ayaa waxaa welwel wayn ka muujinayaan shacabka Puntland inuu adeegsado kuwaas mushahar ka qaata Dowladda Imaraadka. Dowladda Federaalka iyo tan Puntland ayaan labaduba ka hadlin hubkani oo uu hareeyay shaki badan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM