Indhaguran: "habacsanaan ayaa ka jirta maxkamadaha G. Mudug"

Image

19 August, 2015 (GO)- Gudiga madaxweynaha Puntland u magacaabey nabad galyada iyo garsoorka magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafey kormeer ku tagey xarunta Maxkamada darajada 1aad ee gobolka Mudug.

Gudiga ayaa socdaalkoodan u jeedkiisa u ahaa sidii ay ugu kuur gali lahaayeen shaqada Maxkamada iyo shaqalaaha aqoontooda.

Gudoomiyaha Gudigaasi ahna wasiirka wasarada ganacsiga iyo warshadaha Cabdiwali Xirsi Cabdule "indhoguran" ayaa faah faahin ka bixiyey sababta ay u kormeerayaan maxkamada waxaana uu sheegay in habacsanaan ka jirtay maxkamada gobolka mudug.

Gudigaan ayaa la kulmey caqabado dhinaca ciidamada ah kadib markii la sheegey iney diideen in tarakoob lagu sameeyo iyadoo mushaharkooda maqan yahay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM