Indho Guran ''Pl qayb bay ka noqon xalinta khilaafka mas'uuliyiinta DFS''

Image

October 26, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dhex dhaxaadinta khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta ugu saraysa dowladda Federaaliga ah ee Somalia ka dib shir galabta ka dhacay madaxtooyadda Garowe.

Wasiirka warfaafinta Puntlad Cabdiwali Xisri  Indhoguran oo caawa saxafadda kula hadlay madaxtooyadda ayaa sheegay Puntland inay ka xun tahay khilaafka soo cusboonaday ee u dhaxeeya Ra'iisul Wasaare Cabdiwali iyo madaxwayne Xasan Shiikh wax kasta oo la isku hayana lagu dhameeyo dastuurka KMG ah ee dalka.

Indhoguran ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan muranka hareeyay xafiisyadda Villa Somalia kaasoo u muuqda inuu saameeyay shaqooyinkii wasaradaha dowladda.

''In khilaafka soo galay madaxda ugu saraysa ee dowladda Somalia lagu xaliyo loona maro sida dastuurka dalku qabo, in tabashadda masuuliyiinta sar sare uga tanaasulaan maslaxadda dalka, waxaa beesha caalamka ugu baaqaynaa inay doorkooda ka qaataan soo afjarista khilaafka madaxda sar sarae, dowladda Puntland waxay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxda sar sare ee dalka''.

Khilaafkan ayaa sii xoogaytay ka dib markii maalinkii shalay wasiirka koowaad uu isku shaadheyn ku sameeyay qaar ka mid ah gollaha wasiiradda, iyadoona isku shaadheyntaasi uu saameeyay wasiirkii garsoonka Faarax Cabdiqaadir Maxamed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM