Isbaheysiga Mucaaridka (SIM) oo go’aano kasoo saaray arrimaha doorashooyinka

Image

GAROWE, Soomaaliya - Isbaheysiga mucaaradka oo ka kooban Ururada Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal ayaa maanta soo saaray bayaan ay ku soo jeedinayaan in xal laga gaaro xiisada siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Ururada mucaaradka ayaa sheegay in xukuumadda Puntland aysan weli gaarin qorshe wadar oggol ah oo lagu gaarayo doorasho Qof iyo Cod, isla markaana ay qaadatay go’aano hal dhinac ah, iyada oo aan tixgelin khataraha ka dhalan kara.

Go’aanada kasoo baxay shirka ayaa ahaa sida tan:

1- In Doorashada Puntland ee 2024 lagu galo nidaamka inoo socdey ee qof iyo cod, taas oo ah Baarlamaani.
2- In qofkasta oo reer Puntland ah u madaxbanaan yahay in la dooran karo waxna uu dooran karo isaga oo madaxbanaan ama xisbi ka tartama, sida uu qabo dastuurka qodobka 44 farqada 1aad.
3- In meesha laga saaro doorashada Madaxweynaha iyo ku-xgeenkiisa in lagu galo mid dadweyne kadib isbeddelkii lagu sameeyey dastuurka, kaas oo aan loo marin habraac sax ah.
4- In doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkisu ay u dhacdo si baarlamaani ah, oo xildhibaanada la soo doortey ay doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa
5- In doorashada lagu qabto wakhtigeedi sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland, si looga fogaado in hay'adaha dastuuriga ah ay noqdaan sharci darro.
6- Waxaan soo jeedineynaa in aan adkeyno nabadda, laga dheeraado hadalada xanafta leh ee warbaahinta la isu marinaayo.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka, Isbaheysiga SIM ayaa soo saaray go’aanadaan ka dib kulamo ay la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada sida, Daladda ururada rayidka ah, PDRC, ururada Dhalinyarada, Culimada Puntland, Aqoonyahanka, Madasha Siyaasiyiinta Mucaaradka, Guddiga Doorashooyinka iyo Madaxweynaha Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM