Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dayactir lagu samaynayo

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxwayne ku xigeenka dowladda ayaa kormeeray dhismaha isbitaalka.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha  Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray Dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dayactir lagu samaynayo.

Karaash ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Isbitaalka ee dhismuhu kasocdo kuwaas oo maraya meel wanaagsan, isaga oo warbixino ka dhegeystay Maamulka Isbitaalka iyo Shirkada gacanta ku haysa dhismaha Isbitaalka.

Masuuliyiinta Shirkada dhisaysa Isbitaalka ayaa Karaash la wadaagtay halka uu marayo qorshaha dayactirka Isbitaalka, halka uu marayo iyo shaqada u qabsoomtay waxayna sheegeen inay kusoo geba-gebayn doonaan mudo 6 biloood ah.

Karaash ayaa boggaadiyay shaqada ku socota Isbitaalka Garoowe oo muhim u ah adeega caafimaad ee Bulshada loo hayo, wuxuuna kula dar-daarmay Shirkada gacanta ku haysa  inay masuuliyad weyn iska saaaran shaqada ay hayaan isla markaana dar-dar geliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM