Isimada SSC-Khaatumo oo go'aan kasoo saarey doorashada Puntland

Image
Qodobadan ayaa dharbaaxo ku ah damaca madaxweynaha muddo xileedkiisu dhacayo ee Deni.

GAROWE, Puntland - Isimadda goboladda SSC-Khaatumo ayaa soo saarey go'aan la xiriira qaabka loo xalin karo khilaafka ka taagan doorashada hogaanka xukuumadda iyo baarlamaanka Puntland.

Go'aanada ugu muhiimsan ee Isimada ayaa kala ah;

Doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenku ayay cod dheer waxa ay ku dalbadeen in ay si la isla ogol-yahay ku qabsoonto wakhtigeedii oo ah 08/ 01/ 2024

Barlamanka Puntland ee hada jooga ayay soo jeediyeen in doorashadooda dib loo dhigo muddo 12 bilood ah isla markaana ay iyaga doortaan madaxwaynaha yo ku Xigeenka.

Xukuumada imaan doonta wixii ka dambeeya 08/01/ 2024 ayay hoosta ka xariiqeen in ay doorashada barlamaanka oo gof iyo cod ah ku diyaariso muddo 12 bilood ah.

Go'aankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhowaan ay Madaxtooyadda Garowe kula shireen madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaanayo Deni kaas oo wali aan fahfaahin ka bixin natiijada shirkaas.

Sikastaba ha ahaatee, qodobada kasoo baxay isimadda goboladda SSC-Khaatumo ayaa waxa ay dharbaaxo ku yihiin damaca Saciid Deni kaas oo doonaya muddo kororsi iyo qof iyo cod boor isku-qaris ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM