Isimmada SSC-Khaatumo oo go’aan ka qaatay doorashada Puntland

Image
Isimmadu ayaa diiday in la soo xulo xildhibaano ku matala baarlamaanka Puntland.

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Isimmada SSC-Khaatumo ayaa Maanta kulan ay magaalada Laascaanood ku yeesheen ku shaaciyey mowqifkooda ku aadan doorashada Puntland oo la filayo inay qabsoonto 8-da Janaayo.

Isimmada ayaa ku dhawaaqay inaysan ka sii mid ahaan doonin Puntland, iyagoo ku nuux-nuux saday in musharax u taagan SSC-Khaatumo uusan u tartami karin xilka madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Waxay Isimmadu sidoo kale baaq u direen labada xubnood ee SSC-Khaatumo ku metelaya Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Puntland inay iscasilaan.

Isimmadu ayaa diiday in la soo xulo xildhibaano ku matala baarlamaanka Puntland, waxayna xaqiijiyeen in dhammaan odayaashii soo xulan jiray xildhibaanada Puntland ay si wada jir ah u go’aansadeen in ay qaadacaan doorashada.

Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa ka hadlay sida ay ugu go’antahay midnimada iyo wadajirka shacabka SSC-Khaatumo, waxa uuna carabka ku dhuftay in dadkiisa ay ku taamayaan maamul ka gooni ah Somaliland iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM