Isimmada SSC-Khaatumo oo kulan albaabadu u xiran yihiin la qaadanaya Deni

Image
Kulanka ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa khilaafka siyaasadeed.

GAROWE, Soomaaliya - Isimmada SSC-Khaatumo ayaa maanta kulan albaabadu u xiran yihiin la qaadanaya madaxweynaha xilka kasii dagaya Siciid Cabdullah Deni, iyaga oo ka wada hadlaya khilaafka doorashada.

Kulanka ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka talada haya iyo mucaaradka oo ku aadan hanaanka doorashada & xiliga la qabanayo.

Madaxweynaha dhawaan xilka ka degaya ayaa ku adkeysanaya in uu qabto doorashooyin lagu muransan yahay, oo ka dhalan doona muddo kordhin loo sameynayo hay’adaha dowladda.

Dhinaca kale, Dallada Mucaaridku waxay ku adkaysanaysaa in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto iyo hannaankii hore, iyadoo maamulka cusubna uu ka shaqayn doono qabanqaabada doorasho Qof & Cod.

Inta uu soo jiitamayay khilaafkan, waxaa guuldarreystay dadaallada ay sameeyeen Isimmada Puntland, Beesha Caalamka, ganacsatada si loo xaliyo xiisadda siyaasadeed.

Madaxweynaha xilka kasii dagaya ayaa la sheegay in uu ku adag yahay go’aankiisa ku aadan doorashada, isla markaana bilaabay inuu xoojiyo Ciidamada ku sugan caasimadda Garowe.

Shacabka Puntland waxay ka dhursugayaan natiijada ka soo bixi doonta waanwaanta ay wadaan Isimmada SSC-Khaatumo, waxaana la filayo in dhawaan laga soo saaro warmurtiyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM