Iska-hor-imaad dhexmaray ciidanka Puntland iyo Daacish

Image

BOOSAASO, Puntland - Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland iyo maleyshiyo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish ayaa gelinkii hore ee maanta wuxuu iska-hor-imaad ku dhexmaray gobolka Bari, sida ay soo wariyeen dadka degaanka.

Dagaalka ayaa, sida ay muujinayaan warbixinada laga helayo dadka degaanka iyo saraakiil amni, ka dhacay meel qiyaastii 15 KM u jirta degmadda Balidhidhin.

"Rasaasta waxay socotay in muddo ah. Khasaaraha in uu jiro way dhici kartaa balse si rasmi ah looma xaqiijin karo tiradda saxda ah," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo sababo amni awadeed uga gaabsaday magaciisa.

Saraakiisha amniga gobolka Bari ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in iska hor-imaadka uu yimid markii ciifamadda ay u dhaqaaqeen howlgal saf-ballaaran oo ka dhan ah maleyshiyadda Daacish.

Faraca Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa ku dhuumaaleysata degaanada Buuraleyda gobolka Bari, halkaasoo ciidamadda amniga Puntland ay kuka beegsadaan howlgalo saf-ballaaran.

Bishii Febraayo 25-keeda, sanadkan 2021 ayay ahayd markii howlgal gaar ah ciidamaddu ka sameeyeen tuulada Geeso-qabad iyo degaanada hoostaga ee buuraha Cal Miskaat.

"Ciidamada PSF waxay maanta hawlgal ku tageen tuulada Geeso-qabad iyo degaanada hoostaga ee buuraha Cal Miskaat, oo ay ciidanka PSF heleen xogo sheegaya in degaanadan ay mararka qaar ku dhuumaaleystaan oo isku ugaarsadaan Al Shabaab iyo Daacish," ayaa xilligaas lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska PSF.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "PSF waxaa ka go’an in aysan cadowgu u helin meel ay ku dhuuntaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM