Iska-hor-imaad dhexmaray ciidanka Puntland iyo Daacish

Image

BOOSAASO, Puntland - Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland iyo maleyshiyo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish ayaa gelinkii hore ee maanta wuxuu iska-hor-imaad ku dhexmaray gobolka Bari, sida ay soo wariyeen dadka degaanka.

Dagaalka ayaa, sida ay muujinayaan warbixinada laga helayo dadka degaanka iyo saraakiil amni, ka dhacay meel qiyaastii 15 KM u jirta degmadda Balidhidhin.

"Rasaasta waxay socotay in muddo ah. Khasaaraha in uu jiro way dhici kartaa balse si rasmi ah looma xaqiijin karo tiradda saxda ah," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo sababo amni awadeed uga gaabsaday magaciisa.

Saraakiisha amniga gobolka Bari ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in iska hor-imaadka uu yimid markii ciifamadda ay u dhaqaaqeen howlgal saf-ballaaran oo ka dhan ah maleyshiyadda Daacish.

Faraca Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa ku dhuumaaleysata degaanada Buuraleyda gobolka Bari, halkaasoo ciidamadda amniga Puntland ay kuka beegsadaan howlgalo saf-ballaaran.

Bishii Febraayo 25-keeda, sanadkan 2021 ayay ahayd markii howlgal gaar ah ciidamaddu ka sameeyeen tuulada Geeso-qabad iyo degaanada hoostaga ee buuraha Cal Miskaat.

"Ciidamada PSF waxay maanta hawlgal ku tageen tuulada Geeso-qabad iyo degaanada hoostaga ee buuraha Cal Miskaat, oo ay ciidanka PSF heleen xogo sheegaya in degaanadan ay mararka qaar ku dhuumaaleystaan oo isku ugaarsadaan Al Shabaab iyo Daacish," ayaa xilligaas lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska PSF.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "PSF waxaa ka go’an in aysan cadowgu u helin meel ay ku dhuuntaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM