Iska horimaad ka dhacey Galkacayo oo sababey dhimasho

Image

14 Nov, 2015 (GO)- Wararka ka imaanaya magaalada Galkacayo ayaa sheegaya in iska horimaad uu dhexmarey ciidamada amaanka iyo maleeshiyo beeleed kadib markii ay diideen iney ka tagaan dhul la sheegey in dowlada leedahay.

Weerakaan ayaa sheegaya inuu ku dhintey hal qof oo dhinacyadii dagaalamey ah dagaalkaan halka ardey marayey goob aan ka fogeyn ku geeryoodey dhacdadaan.

Dhaawaca ayaa wararku sheegayaan iney gaarayaan labo askari oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Dagaalkan ayaa waxaa sababey muranka dhuleed ka jira Galkacayo kadib markii bilihii lasoo dhaafey booqasho madaxweynaha Puntland ku tagey magaladaas ku baneeyey xarumo dowlada leedahay oo shacabku daganaayeen.

Madaxweynaha Puntland oo mudo labo bilood ah ku sugnaa Galkacayo ayaa howlihiisa ugu badan waxay ahaayeen xalinta muranka ka dhashey dhulkaas la baneenyey iyadoo wararku sheegayaan in weli qaybo kamid ah la isku haysto.

Magaalada Gaalkacayo ayaan laheyn gudoomiye gobol iyo maamul degmo oo la isku haleyn karo iney qaban karaan gabi ahaanba howlaha loo horyaala.  

Guddomiyaha gobolka Mudug ayaa iska casiley xilkiisa iyada oo madaxweyne Gaas uusan weli soo magacaabin mas'uul qabta xilkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM