Issimada Nugaal oo kulan la qaadanaya madaxweynaha Jubaland

Image

July 12, 2015 (GO)- Kulan albaabadu u xiran yahay ayaa madaxtooyada Garowe uga socda Madaxweynaha Jubaland Axmad Madoobe iyo Issimada gobolka Nugaal, Islaan Ciise Islaan iyo Suldaan Garaase. 

Wararka Garowe Online helayo ayaa sheegaya in kulankaan khuseeyo xalinta khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo saraakiisha ciidamada kuwasoo gadood ugu sugan tuulada Qarxis. 

Madaxweynaha Jubaland ayaa u muuqda inuu qayb ka yahay xalinta khilaafkaas la filayo in maalmaha soo socda lasoo afjaro.

Dhinaca kale waxaa maalinta berri ah la sugayaa in magaalada Garowe uu soo gaaro Ra'isal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke. 

Kulanka dhexmaraya madaxda maamulada Jubaland, Puntland iyo Federaalka ayaa diirada saari doona khilaafka Dowlada Federaalka iyo maamuladaas u dhexeeya. 

Kala soco Garowe Online wararka kasoo kordha kulamadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM