Issimada Nugaal oo kulan la qaadanaya madaxweynaha Jubaland

Image

July 12, 2015 (GO)- Kulan albaabadu u xiran yahay ayaa madaxtooyada Garowe uga socda Madaxweynaha Jubaland Axmad Madoobe iyo Issimada gobolka Nugaal, Islaan Ciise Islaan iyo Suldaan Garaase. 

Wararka Garowe Online helayo ayaa sheegaya in kulankaan khuseeyo xalinta khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo saraakiisha ciidamada kuwasoo gadood ugu sugan tuulada Qarxis. 

Madaxweynaha Jubaland ayaa u muuqda inuu qayb ka yahay xalinta khilaafkaas la filayo in maalmaha soo socda lasoo afjaro.

Dhinaca kale waxaa maalinta berri ah la sugayaa in magaalada Garowe uu soo gaaro Ra'isal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke. 

Kulanka dhexmaraya madaxda maamulada Jubaland, Puntland iyo Federaalka ayaa diirada saari doona khilaafka Dowlada Federaalka iyo maamuladaas u dhexeeya. 

Kala soco Garowe Online wararka kasoo kordha kulamadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM