Itoobiya oo qunsul u soo magacaabatay Puntland

Image
Image

GAROWE, Puntland – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa Degnachew Yitbarek u soo u soo magacowday in uu noqdo qunsulkeeda xafiiska ay ku leedahay magaala madaxda dowladda Puntland ee Garowe.

Yitbarek ayaa Axada maanta ah wuxuu booqdey madaxtooyada maamulkan xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halkaasoo uu ku qaabilay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu yiri: "Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek".

Qunsulka cusub oo haysta waaya-aragnimo dhanka diblumaasiyadda iyo xiriirka Soomaalida ah ayaa bedelaya Mabratu Waldo Aragay kaasoo xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Puntland iyo Itoobiya ayaa iska-kaashada dhanka ammaanka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay'addaha dowladda iyo ganacsiga.

Shirkadda Duulimaadyadda caalamiga ah ee Ethiopian Airlines ayaa duulimaadyo toos ah waxay ku timaadaa degaanadda maamulka Puntland gaar ahaan garoomadda diyaaradaha casriga ah Garowe iyo Boosaaso.

Duulimaadyada ay shirkaddan ku timaado garoomada Puntland ayaa sarre u qaadaya dakhliga gudaha iyo guud ahaan dhaqaalaha maamulkan si lamid ah waxay xoojinayaa sumcada maraadda dowlad goboleedkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM