Jabuuti oo kordhineysa tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya

Image

June 6, 2015 (GO)- Dowladda Jabuuti ayaa wadda qorshe ay ku kordhineyso tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulan ay Khamiistii ku yeesheen magaalada Addis Ababa  Guddoomiyaha Guddiga Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika Smail Chergui iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Ethiopia ayaa lagu saxiixey qorshe Jabuuti ku dooneyso inay hal cutub oo ciidamadeeda militeriga ka tirsan ku keento Soomaaliya.

Jabuuti oo kusoo biirtey hawlgalka nabad-ilaalinta AMISOM bishii December sanadkii 2011, waxaa Soomaaliya horay uga joogey 960 askari oo badankoodu ka hawlgala gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM