​Jeentalo "Diiwaangalinta Somaliland waan fashilinay" [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha gobolka Haylaan Maxamed Faarax Jeentalo ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Haylaan iyo halka ay ku dambeeyeen dagaalkii dhawaan dhexmaray maamullada Somaliland iyo Puntland.

Wuxuu sheegay isagoo la hadlayay Radio Garowe inay maanta deeq xoolo, raashin iyo agab kale ka guddoomeen dadka deegaanka kuwaasoo loogu talo galay inay manaafacaadsadaan ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan jiidda hore.

Jeentalo ayaa xusay in xaaladdu dagantahay iminka isagoo tilmaamay inay halkaasi ka socdaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan kuwaasoo sheegay inay ku difaacayaan gobolka lagu soo duulay sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha, ayaa xusay inay dib u celiyeen islamarkaan fashiliyeen isku day maamulka Somaliland ku doonayay inay ku diiwaangaliyaan dadka deegaanka si ay uga qayb galaan doorashadooda dhacaysa 2017, wuxuuna sheegay inay haatan ku suganyihiin aagaga ciidamadoodu joogaan.

Labo maalin kahor ayaa dagaal u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo Puntlan ku dhexmaray deegaanka Booda-cad oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Dhahar, waxaana ka dhashay khasaaro naf iyo maalba leh, waxaana intii waqtigaasi ka dambeeyay socday dadaallo ay wadaan dadka deegaanka gaar ahaan duub dhaqameedka kuwaas oo codsaday in la damiyo colaadda deegaanka ka hurtay.

Qaar kamid ah odoyaasha oo la hadlay Radio Garowe, ayaa ugu baaqay labada maamul inaysan xilligan munaasab ahayn dagaal deegaanka ka dhaca iyagoo labada dhinacba ugu baaqay inay ku kala sugnaadaan xuduudahooda.

Gobollada Sanaag iyo Sool ayaa khilaaf xooggan ka taaganyahay kuwaas oo ku aadan cidda leh maamulkiisa, waxaana labada dhinacba sheegtaan inay ka taliyaan iyadoo dhawr jeer oo hore lagu dagaallamay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM