​Jeentalo "Diiwaangalinta Somaliland waan fashilinay" [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha gobolka Haylaan Maxamed Faarax Jeentalo ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Haylaan iyo halka ay ku dambeeyeen dagaalkii dhawaan dhexmaray maamullada Somaliland iyo Puntland.

Wuxuu sheegay isagoo la hadlayay Radio Garowe inay maanta deeq xoolo, raashin iyo agab kale ka guddoomeen dadka deegaanka kuwaasoo loogu talo galay inay manaafacaadsadaan ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan jiidda hore.

Jeentalo ayaa xusay in xaaladdu dagantahay iminka isagoo tilmaamay inay halkaasi ka socdaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan kuwaasoo sheegay inay ku difaacayaan gobolka lagu soo duulay sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha, ayaa xusay inay dib u celiyeen islamarkaan fashiliyeen isku day maamulka Somaliland ku doonayay inay ku diiwaangaliyaan dadka deegaanka si ay uga qayb galaan doorashadooda dhacaysa 2017, wuxuuna sheegay inay haatan ku suganyihiin aagaga ciidamadoodu joogaan.

Labo maalin kahor ayaa dagaal u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo Puntlan ku dhexmaray deegaanka Booda-cad oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Dhahar, waxaana ka dhashay khasaaro naf iyo maalba leh, waxaana intii waqtigaasi ka dambeeyay socday dadaallo ay wadaan dadka deegaanka gaar ahaan duub dhaqameedka kuwaas oo codsaday in la damiyo colaadda deegaanka ka hurtay.

Qaar kamid ah odoyaasha oo la hadlay Radio Garowe, ayaa ugu baaqay labada maamul inaysan xilligan munaasab ahayn dagaal deegaanka ka dhaca iyagoo labada dhinacba ugu baaqay inay ku kala sugnaadaan xuduudahooda.

Gobollada Sanaag iyo Sool ayaa khilaaf xooggan ka taaganyahay kuwaas oo ku aadan cidda leh maamulkiisa, waxaana labada dhinacba sheegtaan inay ka taliyaan iyadoo dhawr jeer oo hore lagu dagaallamay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM