Kaftan-dhablaha Saciid Cabdullaahi Deni iyo ololaha doorashada

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa jeediyey hadal sacabo badan loo tumay balse laftiisa uu ku qoslay.

GAROWE, Puntland – Soomaalida waxa ay ku maahmaahdaa "Fuley xantiisa ma nooga". Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo meel fagaaro ah kula hadlayay taageerayaasha ururka uu guddoomiyaha ka yahay ee Kaah ayaa sheegay in uu kasoo faro baxsaday "dhawr nin oo qol ku xirtay".

"Haddii aad maqli jirteen madaxweynaha dhowrkii nin baa luuq la gashay oo wax u sheeg-sheegta, hadda banaanka ayaan u soo baxay," ayuu yiri, isaga oo hadalkiisa raaciyey "war wixii aan soo arkay ha marineee, is-xoreeya".

Hadalkan ayaa falanqeeyeyaasha siyaasadda waxay ku macneeyeen boor-isku-qarin iyo isku-day uu Deni ku doonayo in uu ku marin-habaabiyo dadweynaha isaga oo qiil u raadinaya damaciisa muddo kororsiga ee ku hoos-qarsan nidaam doorasho toos oo aan heshiis lagu ahayn.

Inkasta oo dhawaqan uu xataa su’aal gelinayo caafimaadka madaxweynaha iyo sababta uu wali ugu mashquulsan yahay siyaasiyiinta ay kala tageen, lama ogga cidda uu sheegayo in madaxweynaha qolka ugu xirnaa, waxaase muuqanaysa in ay horudhac u tahay ololihiisa baratanka soo aadan oo ciwaan u noqon kara “rag baan qol ugu xirnaa".

Muddo labo sano ka badan, waxa ay Deni kaga luntay damaciisa siyaasadeed ee heer federaal, isaga oo markasta Puntland u arkay jaranjaro uu siyaasadda kore ku tiigsan karo sida marar badan ay ku eedeeyeen siyaasiyiin reer Puntland.

“Madaxweynuhu wuxuu durba bilaabay in guuldarooyinkii xukuumadiisa uu dusha u saarinayo raggii ay siyaasadda ku kala leexdeen, haatana uu shacabka doonayo in uu ka gado sawir cusub oo ah Madaxweyne xor ah oo rabitaanka shacabka oo keliya ku shaqeey," ayay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo ku dhow Madaxtooyadda.

Sidoo kale, dhawaqa Deni ayaa, sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaasha, waxay su’aal gelineysaa hogaamintiisa maadaama qeyb kamid ah hadalkiisa loo tafsiiri karo in mar kale lagu aamini karo taladda umad dhan.

"Dhanka kale waxa ay muujinaysaa in madaxweynaha uu markani siyaasad ahaan meel cidlo taaganyahay oo garbihiisa ay ka maqanyihiin Dadkii miisaanka u ahaa, kuwaas oo uu maalin kasta si cusub fagaaro uga maagayo ama wasiiraddiisa uu kasoo dhex hadlayo," ayay raaciyeen shaqsiyaadkan u waramay GO ee xog-ogaalka ah.

Dadkan ayay raaciyey: "Ma jirto meel u fayoow madaxweynaha oo uusan dirir iyo khilaaf dhex marin, laga bilaabo xabbadi ka dhacday gobolka Barri, Isimadii ay isku-dhaceen illaa goleyaashii deegaanka shaqaynayay oo uu kala direy".

Deni ayaa wuxuu haatan guda galay bilooyinkii ugu dambeeyay ee xilheyntiisa. Caadiyan madaxwayneyaasha marka uu xilka kasii dhamaanayo waxay isku-dayaan yagleelida xulafo cusub oo ay doorashadda ku galaan. Inta badan, isbaheysiyada noocaan ah ayaa shuraakadooda la saqiirtaa doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM