Kalfadhiga 37aad ee Barlamanka Puntland oo furmey

Image

GAROWE, Puntland- Kalfadhiga 37aad ee Barlamanka Puntland ayaa saaka ka furmey xarunta magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Xildhibaanada Puntland ayaa saaka soo xaadirey fadhigaan iyadoo la filayo inuu halkaas khudbad Ka jeediyo Madaxweynaha Puntland Candiweli Maxamad Cali Gaas.

Fadhiga 37aad ee Barlamanka ayaa ku soo aadaya xilli ay Puntland cabashooyin farabadan ee la xiriira amni daro, dhaqaale xumo, Arimaha Federaalka Iyo kala guurka iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu halkaas ka akhriyo khudbad taabaneysa arimahaan iyadoo xildhibaanada su'aalo waydinayan.

Xildhibaanada Puntland ayaa shacabka uga baran xisaabtan dhab ah kuwasoo mar walba xaaladaha taagan ee gobolka dhaafsada danaha gaarka u ah.

Warsidaha GAROWEONLINE kala soco wararka Kalfadhiga 37aad ee Barlamanka Puntland. 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM