Kalluumeysatada Eyl oo ka cabanaya dhibaatada Jiriifka

Image

February 24, 2015 (GO)- Kaluumaysatada ku dhaqan degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa cabasho xooggan ka muujiyey maraakiib iyo doomo shisheeya oo si sharci darro ah uga kalluumaysta xeebaha Puntland.

Cabdidaahir Mahad Bulxan oo kamid ah kalluumeysatada Eyl ayaa u sheegay idaacadda VOA in bilihii u dambeeyey tirada doomaha iyo maraakiibta kalluumaysiga ee jiriifka loo yaqaanaa xeebaha Puntland kusoo bateen dhibaato weynna ku hayaan noolaha badda iyo weliba kalluumaysatada oo mararka qaar ay qalabkooda waxyeelo ka gaarsiiyaan.

Mas'uuliyiin ka tirsan waaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa sheegay in cabashada kalluumaysatada sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabi doono, iyagoo intaas ku daray in xakameynta arrintani u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay dowladda iyo dadweynuhu sameeyaan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sanadkii hore sheegay in dowladdu dejisay qorshe cad oo lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharci darrada ah, inkastoo ilaa iyo hadda wax tallaabo ah oo dowladdu qaaday aysan jirin.

Badda Soomaaliya waxaa si sharci darro ah uga kaluumaysta maraakiib waaweyn oo nooca kaluumaysiga ah, maraakiibtaas oo intooda badan laga leeyahay dalalka Asia waxay qaar kamid ahi ogolaansho ka heystaan maamullada ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM