Karaash oo ka hadlay dib u dhaca golaha degaanka Garowe [Dhageyso]

Image

August 12, 2015 (GO)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi  Cismaan Karaash oo maanta kulan la qaatey guddiga soo xulista xubnaha golaha deegaanka cusub ee Garowe, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu soo dhisi doono maamulka cusub ee magaalo madaxda.

Karaash ayaa ayaa sidoo kale xusay in la soo dhameystiray 27xubnood ee kamid noqon doona golaha deegaanka, haseyeeshee weli Wasaaraddu ku hawlan tahay sidii loo kala xuli lahaa.

 Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa qiray in dowladdu sabab u tahay dib u dhaca ku yimid dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Garowe.

Ugu dambeyntii wuxuu ku taliyey in aqoon iyo waayo aragnimo lagu soo xulo xubnaha kamid noqonaya golaha deegaanka isagoo carrabka ku adkeeyey in dib loo celin doona dadka u qalmi waaya inay kamid noqdaan maamulka cusub ee Garowe.

Magaalooyinka Garowe iyo Bosaso  iyo ayaan maamul rasmi ah lahayn saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, kadib markii Madaxweynuhu kala diray maamulladii horay magaalooyinkaas uga jirey.

Warsidaha Garowe Online oo shacabka reer Puntland la socdsiiya arrimaha bulshada ayaa didinla socodsiin doona wararka la xiriira dhismaha golyaasha degaanka Bosaso iyo Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM