Karaash oo digniin culus hawada u mariyay maamulka Somaliland

Image
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland ayaa socdaal ku maraya deegaamo katirsan gobolada Sool iyo Sanaag.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo socdaal ku maraya deegaamo katirsan gobolada Sool iyo Sanaag ayaa uga digey maamulka Somaliland inuu xoog ku muquuniyo bulshada ka arragti duwan ee kunool magaalada Ceerigaabo.

Karaash waxa uu sheegay in Ceerigaabo ay kunool yihiin bulshooyin kala duwan maamulkeeduna u baahan yahay in loola macaamiltamo si lamid ah magaalada Galkacyo oo ay ka wada arrimiyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland waxa uu hadalkiisa u dhigay in Ceerigaabo ay ubaahan tahay inay wada maamulaan Somaliland iyo SSC KHAATUMO ayna labada dhinac nabad ku wada noolaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM