Karaash oo fariin u diray madaxda degmooyinka iyo gobolada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir usoo xiray degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta.

Shirkan oo maalmo socday waxaa ka qeybgalay Maayarada degmooyinka, Isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG, Machadka Dowladdaha Hoose ee Puntland, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo Shirka soo diyaarisay iyo Wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM