Karaash oo fariin u diray madaxda degmooyinka iyo gobolada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir usoo xiray degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta.

Shirkan oo maalmo socday waxaa ka qeybgalay Maayarada degmooyinka, Isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG, Machadka Dowladdaha Hoose ee Puntland, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo Shirka soo diyaarisay iyo Wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM