Karaash oo difaacey dib u dhaca dhismaha golayaasha deegaanda

Image

August 2, 2015 (GO)-  Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka warbixiyey sababta keentay dib u dhaca ku yimid dhismaha goleyaasha deegaanka Garowe iyo Bosaso.

Karaash oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe, wuxuu sheegay inay ku howlan yihiin dhismaha goleyaasha deegaanka Garowe iyo Bosaso balse sababta ay usoo dhamaystiri waayeen ayuu ku weeciyey odayaasha beelaha isagoo xusay inaysan soo dhamaystirin soo xulista xildhibaannada.

Waxaa soo idlaatay muddo 45 cisho ahayd oo loo qabtey in lagu soo dhiso goleyaasha deegaanka Bosaso iyo Garowe, kadib markii May 27, 2015  Madaxweyne Gaas kala diray golaha deegaanka Bosaso, asbuuc kadibna -oo ku beegnayd- June 3, 2015  kala diray golaha deeegaanka ee Garowe.

 Isla digreetooyinkii Madaxweynuhu labadaas gole ku kala diray, wuxuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ku amray in ay muddo bil iyo bar gudaheed ah kusoo dhisto maamullo cusub, haseyeeshee ilaa iyo hadda dowladdu wax tallaabo ah uma qaadin sidii arrintaas loo sii ambaqaadi lahaa. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM