Karaash oo Muqdisho kula kulmay qoyska marxuum Cali Khaliif Galeyr

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-Simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qaabilay qoyskii alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore Cali Khaliif Galayr.

Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash ayaa qoyska la wadaagay dhambaal tacsiya, isagoo illaahay uga baryay inuu marxuumka janadii geeyo iyagana samir iyo iimaan alle kasiiyo.

Dhanka kale, Ku-Simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku sugnaa Muqdisho ayaa u ambabaxay Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland oo Muqdisho kaga qeybgalay Aaskii Qaran ee loo sameeyay Ra’iisal wasaarihii hore AHUN Cali Khaliif Galayr, waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.
 
GO + Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM