Karaash oo Muqdisho kula kulmay qoyska marxuum Cali Khaliif Galeyr

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-Simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qaabilay qoyskii alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore Cali Khaliif Galayr.

Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash ayaa qoyska la wadaagay dhambaal tacsiya, isagoo illaahay uga baryay inuu marxuumka janadii geeyo iyagana samir iyo iimaan alle kasiiyo.

Dhanka kale, Ku-Simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku sugnaa Muqdisho ayaa u ambabaxay Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland oo Muqdisho kaga qeybgalay Aaskii Qaran ee loo sameeyay Ra’iisal wasaarihii hore AHUN Cali Khaliif Galayr, waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.
 
GO + Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM