Karaash oo Qardho ka dhagax dhigay mashaariicyo horumarineed

Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Qardho ka dhagax dhigay laba waddo oo laami ah iyo deyr wayn oo laga dhisayo aagga dowladda Hoose ee Qardho.

Dhagax dhiggaa waddooyinkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey Wasiirku Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha gobolka Karkaar, Duqa degmada Qardho, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Madaxa Mashruurca JPLG iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu Qardho ka dhagax dhigo Mashaariic Horumarineed, gaar ahaan waddooyin laamiga ah oo bilic iyo horumarba kusoo kordhindoona magaalada Qardho.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash ayaa u mahadceliyey shacabka iyo maamulka degmada Qardho oo uu ku tilmamaay inay yihiin dad fahmay sida mashaariicda looga faa'iidaysto, isla markaana sanad walba ay galaan kaalinta kowaad, waxaana uu kula dar-daarmay inay halkaasi kasii wadaan.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay cidkasta oo ku howlan horumarka Puntland, waxaa sidoo kale uu mahadceliyay hay'addaha caalamiga ah ee gacanta ka gaysta mashaariicda dalka ka socda.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxtooyada Qardho kulan kula yeeshay maamulaha mashruuca hormarinta degmooyinka ee JPLG Mr Mark, kulankaasi oo xubno dowladda ka tirsan ay ku wehliyeen, waxaa looga wada-hadlay sidii loo dar-dar gelinlahaa mashaariic horumarineed ee ka socodka degmada, isla markaana xilligan hay'addaha Caalamiga ah ay kaalintooda uga gaysan lahaayeen wax ka qabashada bur-burka ku yimid waddooyinka dalka.

Puntland State House

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM