Karaash oo sheegay in uu si KMG awooddii ugala wareegay Deni

Image
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa illaa haatan kama hadal tallaabada uu qaaday ku xigeenkiisu.

GAROWE, Puntland – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa lagu sheeegay in madaxweyne ku xigeenku uu si ku meel gaadh ah ula wareegay xilkii madaxweynaha ee Puntland, isagoo faray hay'adaha dawladda inay u hoggaansamaan ilaalinta iyo dhawrista dastuurka Puntland iyo qawaaniinta kale.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in maadaama uu madaxweynihii si ku meel gaadh ah u gudan kari waayey waajibaadkiisa dastuuriga ah, in masuuliyaduhu ay isaga si ku meel gaadh ah ugu wareegayaan sida ku cad ayuu yidhi dastuurka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa tallaabadan uu qaaday ku macneeyey inuu kaga hortegayo inay Puntland gasho firaaq dastuuri ah xilli ay deeganadaas ka jiraan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aan.

Qoraalka ayaa lagu yiri "Haddaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la'aanta haysata dhallinyarada reer Puntland".

Sidoo kale warkaan barta facebook ee madaxweyne ku ixgeenka lagu daabacay ayaa lagu muujiyay in madaxweynuhu aanu waajibaadkiisa shaqo aanu si ku meel gaar ah u guda karin taas oo keenaysa in howshu ku wareegto madaxweyne ku xigeenka iyadoo loo cuskanayo qodobada dasuurka maamulkaas.

"Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland", ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa faray hay'adaha dowladda inay u hoggaamsamaan dhowrista dastuurka Puntland.

Tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku soo beegmaysa iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka wado ololaha doorashadiisa madaxtinimada ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni illaa haatan kama hadal tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenkiisu. Sidoo kale gudoonka Baarlamaanka iyo garsoonka maamulka ayaan wali hadlin qadiyadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM