Karaash oo u jeediyay Siciid Deni eedeyn culus

Image
Hadalka Karaash ayaa ku soo aaday xilli Puntalnd ay wajahayso marxalad adag.

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cisamaan Karaash ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ugu tilmaamay ficillada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaanayo Siciid Cabdulaahi Deni kaligii talisnimo.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil.” ayuu yiri Karaash.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay cawaaqib xumada ka dhalan karta isku day awood maroorsi oo lagu sameeyo arrimaha masiiriga ah, taasi uu sheegay in uu ku kici doono Deni.

Wuxuu intaas raaciyay: “Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho.”

Hadalka Karaash ayaa ku soo aaday xilli Puntalnd ay wajahayso marxalad adag oo gundhig u ah tallaabada Golaha wakiilada ee Muddo kordhinta iyo go’aamada halka dhinac ah ee uu ku kacayo madaxweynaha talada haaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM