Khaliif Ciise oo faahfaahiyey walaaca uu ka qabo Puntland "Dhagayso"

Image

Sabti 17 Octber, 2014 [GO]- Wasiirkii horre Amniga Dowlada Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ka hadlay sababta ka dambaysa inuu kusoo daabaco warbaahinta Somalida todobaadyadii lasoo dhaafey qoraalo uu kaga digayo Mustaqbalka Puntland.

Khaliif Ciise Mudan oo haatan ku sugan dalka Kenya gaar ahaan Nairobi ayaa kula hadlay khadka telefonka warbaahinta Garowe Online waxaana uu ka jawaabay su'aalo kala duwan oo lagu waydiiyey walaaca uu xilligan ka qabo, aragtidiisa ku saabsan heshiiskii maalmo ka hor ku saxiixeen Garowe Dowlada Federalka iyo Puntland iyo Mowqifkiisa siyaasada.

Mar la waydiiyey Khaliif jiritaanka Urur mucaarad ah oo uu madax ka yahay ayuu sheegey inuu yahay warkaas mid ku tiri ku teen ah islamarkaana aan hadda qorshaha ugu jirin inuu xubin ama madax ka noqdo urur siyaasadeed tan iyo inta la gaarayo waqtiga lagu dhawaaqayo Asxaabta Puntland..

Waxa uu intaas ku darey Khaliif inay jirto cabasho bilihii lasoo dhaafey ka imaanaysa dadka kaluumaysatada Puntland, kuwaas oo uu sheegey inay halis ku noqdeen heshiisyo baal marsan sharciga oo ay la gashay Wasaarada Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Puntland Maraakiib iyo Doonyo jariif oo faro badan.

Wareysiga Jeneraal Khaliif Ciise Mudan oo ah mid xiiso leh ayaa lagu waydiiyey su'aalo dhinacyo kala duwan taabanaya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM