Khasaaraha ka dhashay daadadka ku rogmaday Qardho oo la shaaciyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da'ay magaalada Qardho ayaa sababay khasaaro oo isugu jira mid maaliyadeed, dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey dad shacab ah.

Cabdi Saciid Cusmaan, duqa magaalada Qardho oo wareysi siiyey warbaahinta, ayaa xaqiijiyey dhimashadda lix qof oo shacab ahaa – saddex caruur ah, hal dumar ah iyo laba rag ah.

"Tabanaan kale waa la la'yahay, xarumo ganacsi iyo kuwa isgaarsiin ayaa burburay," ayuu raaciyey hadalkiisa, isagoo sheegay in ay ku howlan yihiin raadinta dadka la'yahay.

Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in ku dhowaad 150 guri ay cagta mariyeen daadadka. Sidoo kale, boqolaal kale oo rayid ah ayaa la aaminsan yahay in ay ku barakaceen.

Qof kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in gaari ay saarnaayeen tobban Neef oo Geel ah kuna sii jeeday magaalada Boosaaso kaliya laga helay dadkii la socday.

Xukuumadda Puntland ayaa la filayaa in ay jawaab deg-deg ah ay ka bixiso xaaladda kasoo korortay xarunta gobolka Karkaar, waxaana durba bilowday qorsheyaasha ka jawaabida.

Shacabka Puntland oo iskooda isku xilqaamay ayaa dhankooda wada abaabulka gurmad deg-deg ah oo ay gaarsiinayaan magaaladda, si ay wax ugu taraan qoysaska dhibaatadu soo gaartay.

MUUQAALKA QARDHO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM