​Khasaaro ka dhashay Dagaal ka dhacay duleedka Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira sababay ayaa galabta ka dhacay nawaaxiga deegaanka Balli Busle ee duleedka magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Iska hor imaadka oo u dhaxeeyay dad xoolo dhaqato ah iyo ciidamo la tuhunsanyahay inay katirsanyihiin maamulka Galmudug ayaa keenay dhimashada Saddex ruux iyo dhaawaca ku dhawaad Toboneeye kale.

Dagaalka ayaa  galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Caano-surale kaasoo kaabiga ku haya tuulada Ceel-lahelay.

Dhaawacyada dadkii dagaalka ku waxyeelloobay ayaa loo soo qaaday dhinaca magaalada Galkacyo.

Lama oga sababta keentay isku dhaca dhinacyadaasi iyadoo aysan ilaa hadda ka hadlin xukuumadda Puntland.

Dhowr jeer oo hore waxaa aagaas ka dhacay dagaallo ku salaysan qaabaa'il iyo dhul daaqsimeed.

Goob joogayaal aan xiriir la samaynay waxay noo sheegeen in deegaanka Balli Busle laga dareemayo saan saan colaadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM