Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay magaaladda Gaalkacyo

Image
Warar madax-banaan ayaa xaqiijiyey in isku-dhaca uu salka ku hayo is-qabqabsi dhul.

GAROWE, Puntland - Saddex qof ayaa ku dhimatay dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ee Puntland, sidda ay xaqijiyeen warar lagu kalsoon yahay.

Isku-dhaca ayaa yimid kadib markii muran la xiriira dhul ku yaalaaaga isbitaalka Manhal uu isku badalay gacan ka hadal iyada oo la sheegayo in ay jiraan dhaawacyo.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan shaqaaqadan oo kasoo baxay dhanka hay'adaha ammaanka. Isku-dayo ay warbaahinta gudaha sameysay si ay ula hadasho mas'uuliyiinta ayaan guuleysan.

Hal qof oo goobjooge ah ayaa xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jiraan shacab. Hase ahaatee, wuxuu ka gaabsadey in uu kala caddeeyo rag iyo dumar waxay kala ahaayeen.

Inta badan Puntland ayaa caan ku ah dagaalada maleeshiyaadka ee khilaafaadka dhulka maadaama oo aan maamulku gacanta ku hayn dhulka isla markaana aan xal waara laga gaarin.

Dowladaha hoose ee magaalooyinka Puntland ayaa sameeyay talaabooyin ay xal ugu goobayaan qadiyadan waxaana kamid ah sumadeynta dhulalka iyo diiwaan-gelinta goobta uu ku yaalo.

Dadka qaar ayaa ku dooda in maamulada dowladaha hoose aanay u diyaarsanayn wax ka qabashada muranada dhulka, halka qaar kala ay aaminsan yihiin in is-qabqabsiga dhulalka ay ku lug-leeyihiin mas'uuliyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM