Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay magaaladda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa fiidkii ka dhacay Boosaaso, xarunta gobolka Bari ahna caasimada ganacsiga dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Sidda ay goobjoogeyaal khadka telefoonka ugu sheegeen warsidaha Garowe Online, weerarka oo ka dhacay agagagaarka huteel Naqiil waxaa lagu beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo.

Inta la xaqiijiyey lix qof oo shacab ah iyo hal askari ayaa ku dhaawacmay falkaas, aysan jirin koox sheegatay. Bukaanada waxaa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa Isbitaalka guud.

"Gaari Cabdi-Bilaha ah oo ciidamo la socdeen ayaa lagu tuuray bam-gacmeed xili uu marayey meel dad ku badan yihiin," ayuu yiri wariye madax banaan oo u waramay bogga GO.

Wuxuu raaciyey: "Gaariga xiligaas wuxuu ku socday xawaare sarre. Waxay u muuqaneysaa in meel luuq ah looga soo tuuray bambadda. Falka kadib, baaritaano ayaa bilowday".

Illaa iyo haatan, ma jiro warbixin ay hay'addaha ammaanka kasoo saareen dhacdadaas oo timid xili magaalada ay ku jirto bandow habeenkii oo loo geliyey ka hortagga Coronavirus.

Inta badan ururada Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dusha saarta falalka liddiga ku ah ammaanka ee ka dhaca magaaladda Boosaaso. Dhacdadaan waxay imaaneysaa xili askarta la geliyey heegan sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM