Khasaaro kala duwan oo ka dhashay qarax ka dhacay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland - Qarax aan wali noociisa la xaqiijin ayaa waxaa lagu waramay in Axada maanta ah uu ka dhacay waqoyga magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Fahfaahino horudhac ah ayaa sheegaya in duulaanka lagu beegsaday xarunta gobolka. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaana jira. Balse, lama hubo tiradda guud.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in bartilmaameedka ay yihiin mas'uuliyiin sar-sarre. Qaraxa wuxuu ka dhacay ilinka hore ee xarunta gobolka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinkaan oo kale ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya xoogaga Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka oo gaarey meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in ay fahfaahin siin doonan warbaahinta kadib marka ay dhameeyaan baaritaanka.

Sawirro laga soo qaadey meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya burbur soo gaarey dhismeyaal iyo gaadiid kale oo ku gubtay meesha ay wax ka dhaceen.

Gaalkacyo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgalo lagu sugayo nabad-gelyadda waxaa dhanka koonfur maamula Galmudug, halka Waqooyi ay hoostagto dowlada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM