Khayre, Lafta Gareen iyo Waare oo lagu soo dhaweeyay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe hadda Kusoo dhoweeyey Ra'iisul Wasaaraha DFS Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwa labada maamul, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Soo dhoweynta weftiga waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Puntland, Jubbaland, Galmudug, isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Weftiga ayaa ka qayb gelidoona Aaska Qaran ee maanta loo samaynayo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM