Khayre oo amaaney Puntland iyo Shacabkeeda [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan Garowe, isagoo ka qeybgalaya Shirka Wadatashiga ayaa xalay booqday booqday qaar kamid ah goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada.

Khayre ayaa afurkii kadib tagey meelaha lagu caweeyo, isagoo la fariistay qaar kamid ah dadka shacabka ah oo ka dhageystay fekradahooda ku aadan dowladnimada iyo dedaallada socda ee dib loogu soo celinayo Soomaaliya, kadib in ka badan 25 sano oo colaado ka socdeen.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa aad u bogaadiyay nabad geliyada iyo horumarka ay sida wadajirka ah uga shaqeeeyaan shacabka iyo Dowladda Puntland, taasoo uu sheegay inay tusaale u tahay qeybaha kale ee dalka, ee aan amniga ka jirin.

Madaxda dalka ayaa shir mudo shan maalmood ah uga socda Garowe, kaasoo looga golleeyahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qodobada ugu waaweyn ee miiska saaran ayaa kamida; Dastuurka, Sharciga Batroolka, sharciga Doorashooyinka, wadaagga Khayraadka iyo khilaafka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM