Khilaaf ka dhax qarxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdi kullan oo dhinac ka riixaya ajindaha madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanya Saciid Deni ayaa ka hor yimid hadal maanta ka soo yeeray wasiirka Wasaarada Cabdi Faarax Juxa oo ku buriyay golaha ay soo dhiseen labada garab ee ku loolamaya Guddoonka golaha deegaanka Boosaaso.

Wasiiru Dawlaha ayaa taageeray doorashada lagu qabtay Xarunta gobolka Bari, oo ay soo dhiseen ururada Kaah, Sincad iyo Mustaqbal, taas oo si cad uga soo horjeedda habraaca ay soo saartay Wasaaradda arimaha gudaha oo qeexaya in kooramka lagu dhisayo golaha magaalooyinka waaweyn uu yahay 22 xildhibaan, halka golaha uu soo dhisay Wasiiru Dawlaha lagu dhaariyay 16 xildhibaan.

Wasiiru Dawlaha oo ka soo horjeestay habraaca ayaa sheegay in aan la deji karin wax sharci ah inta lagu guda jiro doorshada sida uu sheegay, waxuuna intaas raaciyay in Boosaaso ay la mid tahay magaalooyinka kale, aana loo asteey karin sharci u gooni ah, isaga oo sheegay in uu raacayo shuruucda uu dajiyay Baarlamaanka oo kaliya.

Khilaafkan ka dhax qarxay wasiirada Saciid Deni ayaa laga cabsi qabaa in uu halis galiyo amaanka magaalada Boosaaso, iyada oo laga digay in hanaanka sharci darrada ah ee la doonayo in doorashada lagu qabto oo horseedi karo isku dhacyo la mid ah middii Garowe ka dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM