Kiis kufsi "aan horey loo arag" oo ka dhacay Puntland

Image
Garowe Online ayaa ogaatay in kiiskan ay ku eedeeysan yihiin saddex nin kuwaasoo xabsi loo taxaabay.

GAROWE, Puntland - Degaanka Daaru-Salaam ee gobolka Mudug waxaa ka dhacay kufsi ah loo geystay Nimco Cabdiwali Cismaan oo ahayd 17 jir xaas ahayd oo u dhaxday mid kamid ah ragga ku eedeysan kiiskan.

Aabaha dhalay dhibanaha, Cabdiwali Cismaan oo la hadlay Garowe Online, ayaa sheegay in gabadhiisa ay kufsadeen dhawr nin. Seygeedda ayuu ku eedeeyay in uu "shirqoolka u maleegay Nimco".

"Gabadhayda meel kasta oo nool waa laga dilay 60 toorey ayaa lagu dhuftay waxaan doonayaa cadaalad in aan helo," ayuu Cabdiwali ku yiri nuqul kamid ah wareysiga uu siiyey warsidaha GO.

GO ayaa ogaatay in kiiskan ay ku eedeeysan yihiin saddex nin oo Arbacada maanta ah, 26 April, 2023 loo dhaadhiciyay xabsiga wayn ee Gaalkacyo isla markaana uu bilaabanayo baaritaanka.

Kiiskaan ayaa dhacay 19 bishan April, 2023. Dhinacyada uu khuseeyo ayaa ka gaabsaday fahfaahinta baaritaanka ay waddo Puntland. Saraakiisha dowladda ayaan suurtagal ahayn in lagala hadlo qadiyaddan.

Puntland ayaa waxaa gilgilay 2019-kii kiiska kufsiga Caasho Ilyaas oo ahayd gabar ardayad ah oo Galkacyo qoyskoodu daganaa balse sanadkan 2023 ayaa markale ay Puntland maraysaa tijaabo adag.

Kufsiga gabdhaha yar-yar iyo caruurta ayaa kusoo badanaya degaanada Soomaalida ay degto gaar ahaan dhulka Puntland. Dadka qaarkood waxay tuhunsan yihiin in falalkan ay ka dambeeyaan shaqsiyaad dano gaar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM