Koor: "yaan lagu xadgudbin xasaanadda goleyaasha deegaanka"

Image

June 8, 2015 (GO)- Duqii hore ee degmada Garowe Cabdicasiis Cilmi Koor ayaa ugu baaqay dowladda inay ilaaliso xasaanadda goleyaasha deegaanka islamarkaana qaab sharci ah loosoo maro kala dirista goleyaasha deegaanka.

Koor oo ka hadlayey munaasabad xil-wareejin ahayd oo maanta ka dhacday Garowe ayaa tilmaamay in dhanka xuquuqda ay ka siman yihiin golaha wakiillada Puntland iyo goleyaasha deegaanka, sidaas darteedna ay mudan yihiin in la ixtiraamo.

"goleyaasha deegaanku xasaanad bay leeyihiin, waxayna la xasaanad yihiin yihiin baarlammaanka...dhinaca xuquuqda, dhinaca jiritaanka iyo dhinaca kala diristaba" ayuu yiri.

Dhanka kale, duqii hore ee Garowe ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, isago xusay in lagu xasuusan doono waxqabad muuqda oo dhinacyo badan leh. 

Munaasabad xil-wareejin ahayd oo maanta ka dhacday hoolka shirarka ee hay'adda PDRC, ayaa waxaa xilka kula wareegey duqa cusub ee dhowaan Madaxweyne Gaas usoo magacaabay magaalada Garowe, Axmed Siciid Geelle (Shoodhe). 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM