Kooxda K. Koleyga Qardho City oo u gudubtey wareegga semifinal-ka

Image

May 30, 2015 (GO)- Kooxda Kubadda Koleyga ee Qardho City oo Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ku meteleysa Puntland ayaa usoo gudubtey wareegga haaf-dhammaadka (semifinal).

Kooxda ayaa guulo isdaba joog ah gaartey, kadib markii ay ka badisey saddex kooxood oo ka socdey magaalooyinka Jubba, Darsalam iyo Tango oo ka kala tirsan wadamada Suudaan iyo Tanzania.

Ciyaar-yahannada kooxda oo tiradoodu dhan tahay 12 ayaa ka kala yimid dalalka USA iyo Canada, waxayna badankoodu u ciyaaraan naadiyo ka dhisan jaamacadaha.

Kooxda Garowe City oo sanadkii hore tartankaas uga qayb gashay Soomaaliya ayaa timid wareegga finalka, waxaana guusha dhibco yar kaga qaaddey kooxda Qaahira City.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM