Kooxda kubadda cagta Puntland oo guulaysatay iyo Garowe oo laga dabaal dagay [Sawirro +Muuqaal]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kooxda ku cayaaraysa magaca Puntland ee ka qayb galaysa koobka maamul goboleedyada ee kasocda magaalada Muqdishu caasumadda Somalia ayaa gaaray cayaarta kama dambaysta koobkaasi iyagoo wajahi doono kooxda horay usoo baxday ee Jubbaland.

Cayaar adag oo ay galabta la dheeleen kooxda kasocota Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayay uga badiyeen 1:0 kaasi oo u dhaliyay weeraryahanka Yacquub Cusmaan oo ciyaaryahanka hogaaminaya goolasha.

Cayaarta galabta ayaa aad looga xiisanayay magaalada Garowe, waxaana dadweynaha si toos ah ugu soo gudbinaysay Radio Garowe.

Hadaba markii cayaartu dhammaatay ayaa hal mar waxaa isbadalay Jawiga Garowe, waxaana isu soo baxay boqolaal kamid ah qayabaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo isugu yimi barxadda iyo waddooyinka muhiimka ah halkaaasoo ay socod kusoo marayeen  gawaari ay hareeraha ka lulanayaan calanka Puntland iyo dhalinayaro Guul Guul ku dhawaaqaysa.

Socod dheer iyo dabaal dag kadib qaar kamid ah dadkii ka qayb galay kulanka ayaa dareenkooda ka waramay, waxayna sheegeen inay kasoo bixi doonaan dhigooda Jubbaland iyagoo mahad iyo hambalyo u direy cayaaryahannada matalaya magaca Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa hambalyo u diray dhalinyarada koobkaasi ka qayb gashay, wuxuuna u rajeeyay inay soo noqdaan iyagoo guulaystay.

Wuxuu intaasi ku daray in Puntland tahay dowlad dhinac walba ka dhisan isagoo intaasi raaciyay in tar-tankan ka qayb qaadanayo is dhexgalka bulshada.

Puntland ayaa cayaarta ugu dambeysa maalinta Isniinta la cayaari doonta kooxda kubadda cagta ee Jubaland.

Gobolka Banaadir ayaa ka harey tartanka cayaarahaan kadib markii kooxda Shabeelaha dhexe/ Hiiraan kaga badiyeen Rigoorayaal. 

Banaadir ayaa ka qayb galkeeda kulankaan waxaa su'aalo badan iska waydiiyey shacabka Somalida gaar ahaan kuwa kasoo jeeda maamul goboleedyada madaama aysan Ka tirsaneyn sharciyan. 

Banaadir oo ah magaalo madaxda Somalia ayaa Dastuurka Federalaka waxaa ku qoran in ay yeelan doonto sharci Gooni ah ee lagu dhaqo balse ma hirgalin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM