Kordhinta dakhliga furdooyinka Puntland oo laga shiray

Image
Image
Image
Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi, ayaa guddoomiyey kulankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Xasan Shire Cabdi, ayaa shir ku saabsan Kor u qaadista Dakhliga Furdooyinka Puntland la qaatay Maamulaha Furdooyinka Puntland iyo Maamulka Furdada Dekada Boosaaso. 

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey Goobaha kala duwan ee ay Maraakiibta iyo Doonyuhu ku soo xirtaan Dekada Boosaaso halkaasi oo shaqo xawli ah ka socotay. 

Agaasimaha Furdooyinka Puntland iyo mas'uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa wasiirku kulan la yeeshay.

Kulanka ayaa looga wada hadlay kobcinta iyo kor u qaadista Dakhliga Guud ee Furdooyinka Puntland iyo Horumarinta iyo Casriyeenta Sistamka canshuur qaadidda Dekada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM