Kulan dhexmaray Madaxweyne Gaas iyo Danjire Kay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

18 November, 2015(GO)-Waxaa caawa xarunta madaxtooyada Puntland casho sharaf is xogwaraysi ah ku dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay oo xilkiisu dhammaaday.

Kulanka cashada ka dib waxaa saxaafadda si wadajira ula hadlay madaxweynaha Puntland iyo danjiraha, iyagoo ka waramay waxay ka wada hadleen.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inay ka wada hadleen xaaladda Somalia, geedi socodka doorashada 2016, wuxuuna tilmaamay Kay inuu yahay oday muddo Somalia ka soo shaqeeyay haatanna sugayaan badalkiisa.

Danjire Nicholas Kay, ayaa dhankiisa Puntland ku ammaanay hormarka laga sameeyay dhinacyada ammaanka iyo doorka ay ka cayaarayso habka lagu gaarayo doorasho dalka Somalia ka dhacda dalka 2016.

Kay ayaa xusay inuu muddo labo sano iyo bar ah la shaqaynayay Qaramada Midoobay isla markaana uu ahaa xogahaya u qaabilsan Somalia, isla markaana ka shaqeeyeen arrimo ku saabsan waxbarashada, caafimaadka, ammaanka iyo qaabkii dalka Somalia looga saari lahaa kooxda Al-shabaab.

Hambalyo ayuu danjiruhu u diray shacabka Somalia iyo kuwa Puntland, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in dalka Somalia gaari doono hormar, dimuqraadiyad iyo mustaqbal wanaagsan.

Nicholas Kay, ayaa xilkiisu dhammaaday, waxaana la filayaa in la soo magacaabo xoghaye kale oo Qaramada Midoobay u qaabilsanaan doona Somalia.

Arrintan isbadalka ayaa imaanaysa xilli Somalia ku jirto marxalad kala guura oo dalka galisay shirar siyaasadeed oo ku saabsan qaabkii loo heli nidaam doorasho oo aan ahayn hal qof iyo cod.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM