Kulan dhexmarey Madaxweyne Gaas iyo Issimada Barri oo khilaaf ku dhamaadey [Dhageyso]

Image

Jan 7, 2016 ( GO)- Kulan dhexmarey maanta madaxweynaha Puntland iyo Issimo ka tirsan gobolka Gardufu oo uu hogaaminayo Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa ku dhamaadey is-afgaran waa.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo la xiriirey Idaacada Radio Garowe xafiiskeeda Switzerland ayaa sheegey in kulankaas ay kala hadlayeen madaxweynaha Puntland dhibaatooyinka haysta gobolka cusub ee Gardafu halkaasoo laga soo sheegayo xaalad adag. Beeldaajaha ayaa aad uga cabanyey sida uu wareysigaan ku sheegey qaabkii madaxweynaha Puntland ula dhaqmey xilli ay ka shaqeynayeen maslaxad guud ee shacabka Puntland.

Dhinaca kale waxaa maanta ka dhacey magaalada Bosaso rabshado salka ku haya muran dhuleed waayadii ugu dambeeyey ka taagnaa degmada Waaciye ( Gobolka Karkaar) kuwasoo ciidamada amniga rasaas ku kala eryeen dad isugu soo baxey xaafad ku taal duleedka madaxtooyada.

Munaasabada lagu furayo garoonkaan ayaa waxa kasoo qayb galey madax farabadan oo ka kala timi dowlada federaalka, beesha caalamka, siyaasiyiin magac ku leh Somalia iyo Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM